Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

In la dhameeyo kala aragti duwanaanta Galmudug iyo Ahlu sunna oo la soo dhaweeyay “SAWIRRO”

$
0
0
Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo shacabka Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay in la dhameeyo kala aragti duwanaanta Galmudug iyo Ahlu Sunna, kuawasi oo bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka ee ku aadan labada dhinac iyo in Maamulka Ahlu sunna laga qeyb geliyo dowlad goboleedka Galmudug. Xildhibaan Maxamed C/qaadir Xaashi (Dholo Dholo) iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil ayaa  ugu horeyn ka  hadlay dareenkooda ku aadan dadaallada dowladdu ay garwadeenka ka tahay ee lagu dhameenayo waxyaabaha ay ku kala aragti duwan yihiin Galmudug iyo Ahlu sunna, waxaana Xildhibaanadu ay ku tilmaameen haddii uu  mirio dhalo ay faa”iido weyn ugu jirto shacabka ku nool deegaanada hoostaga Dowlad Gobaleedka Galmudug, iyagoo dhanka kalana qiray in rajo fiican laga qabo dhameynta wax kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin Galmudug iyo Ahlu Sunna. Sidoo kala qaar ka mida Culimaa’udiinka iyo dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo aan la dhax qaaday maanta makaroofanka Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qorshaha dowladda Federaalka ee ku aadan sidii loo dhameyn lahaa kala aragti duwanaanta Galmudug iyo Ahlu sunnah. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa todabaadyadii u danbeeyay waday qorshayaal la doonayo in kulamo looga wada hadlayo dhameynta kala aragti duwanaanta Galmudug iyo Ahlu Sunna ay ka furmaan magaalada muqdisho ee Caasimada dalka, [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles