Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Abaarta ka jirta deegaanada Gobolka Mudug oo laga hadlay

$
0
0
Kulankaan oo uu soo  agaasimay Maamulka Degmada Gaalkqcyo, loogana hadlayay  baxaada abaarta  ka jirata Gobolka Mudug  ayaa maanta  lagu qabtay magaalada Gaalkacyo,  waxaana kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Waxgarad Culimaa’udiin  iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Gaalkacyo . Kulanka oo ujeedkiisu ahaa Warbixin laga siinayay xubnaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug abaarta sameeynta xoogan u geeysatay Qoysaska Xoola Dhaqatada ee ku nool Gobolka Mudug  iyo sida gar gaar ugu baahanyihiin reer Miyiga  ku xoola waayay  abaarta . Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yusuf Barre ayaa mas’uuliyiinta u sharxay abaarta ka jirta qaar ka mid ah deegaannada gobolka oo uu tilmamay inay u baahanyihiin kaalmo deg deg ah. Xildhibaano Maxamed Calool Geel  iyo Waxgarad  Culimaa’udiinkii Kulanka  ka soo qayb galay  ayaa dhankooda ka hadlay  baxaadda abaarta bulshada ku hayso    kuna baaqay   in gurmad dhinacyo badan lala gaaro. Wasiirka Dakadaha dowlad goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal   oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii  kulanka loogu sharxayay saameeynta abaarta iyo  sida gurmadka loo gaarsiin karo qoysaska tabaaleysan ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan shacabka Gobolka Mudug oo ay saameysay abaarta ka jirta dalka.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles