Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa dalka dib ugu soo laabtay keddib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu uu booqanayay dalka isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dalkaasi isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan labada dal. Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JamhUuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta soo geba-gebeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu joogay Abu Dhabi wuxuu wadahadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan. Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles