Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Ayaa u Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Halkan hoose ka akhriso Wareegtada uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku magacaabay wasiirudowlaha cusub Wareegto Madaxweyne Ujeedo:-Magcaabis Wasiiru Dowle Kaddib Markuu arkay qodobka 51-aad farqadda 5-aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle. Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.
↧