Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda Soomaaliya oo shacabka ka codsatay inay muujiyaan dulqaad

$
0
0
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay ka codsaneysaa shacabka Soomaaliyeed inay u dulqaataan ciriiriga dhanka Waddooyinka, maadaama beri loo dabaal degayo maalinta la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12-ka April. War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda ayaa shacabka looga codsaday inay muujiyaan dulqaad maalinta beri ah oo ay ku beegantahay 12-ka April, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida. 12-kii April sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana maalinta beri ah ay ku beegantahay xuska 57-guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka, kaasi oo la filayo in looga dabaal dego guud ahaan dalka.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles