Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta oo xilka la wareegay-Sawirro

$
0
0
Xafladan uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka cusub ee wasaaradda, wasiirkii hore iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirkii hore ee wasaaradda Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) oo ka hadlay xafladda ayaa ku dheeraaday  ka hadalak wax qabadka mudadii uu xafiiska joogay isaga iyo xubnihii  kale, waxaana uu u rajeeyay madaxda cusub in horumar ay ka sameyn doonaan howlaha wasaaradda, shaqaalaha ayuuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan. Wasiirka Cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali, oo xilka wasaaradda la wareegay ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad isaga oo kaashanaya madaxda kale ee wasaaradda iyo shaqaalaha. Ra,iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar)  oo ka geba gabadii ka hadlay xafladda ayaa waxaa uu u mahad celiyay mas’uuliyiintii hore ee wasaaradda howshii ay ka qabteen, waxaana uu hogaanka cusub kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howshan loo igmaday.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles