Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo xilka Wasaaaradda si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

$
0
0
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, haatanna ah Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa Xilkii Wasaaradaas ku wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka kala socotay Qaybaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddiga Shaqaalaha Rayidka, uruarada Shaqaalaha gaarka ah. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdinaasir Saalax Armaan iyo Wasiirka kuxigeenkii hore Cusmaan Libaax Ibraahim oo munaasbada ka hadlay ayaa mid waliba tilmaamay qiimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u leedahay dowladda. Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo xilal kale duduwan ka soo qabtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sheegay in maamulkii hore ay wax badan qabteen kan cusubna looga fadhiyo in uu dar dargeliyo howlaha horyaalla. Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Saalax. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in uu halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay gacan [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles