Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad oo si rasmi ah xilka ula wareegay “SAWIRRO”

$
0
0
Muqdisho, April 05, 2017 – Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradaasi Wasiirkii hore Dr. Cabdusalam Hadliye Cumer kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho. Xafladda xil wareejinta oo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaare kuxigeeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Eng. Mahdi Axmed Guled, Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdulkaqir Axmed-Kheir Cabdi, Wasiir kuxigeenka cusub ee ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mukhtar Mahad Daa’uud, Hantidhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, Garyaqaanka guud ee dowladda Cusmaan Cilmi Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Xildhibaanno ka kala tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare, Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Khaalid Cumar Cali, Wasiir kuxigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Axmed Cali Maxaamed “Kadiye”, Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore, Saraakiil amni, Danjireyaal , Diblomaasiyiin, Agaasimeyayaasha waaxyaha iyo howlwadeennada kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga. Hadal uu madasha ka jeediyay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashig Dr Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dhammaan shaqaallaha Wasaaradda kuwa gudaha iyo dibadda, isaga oo sheegay inay sharaf u aheyd inuu adeego [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles