Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo salaadda janaasada ku dukaday meydka marxuum Nuur Faarax

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi “Farmaajo” gudoomiyaha Baarlamanka iyo ms’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ka qeybgalay salaadda Janaasada oo lagu tukaday Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dekedaha,  gaadiidka cirka iyo dhulka marxuum Nuur Faarax oo saakay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Madaxda ka qeybgashay tukashada salaadda  janaasada ee marxuum Nuur Faarax waxaa ka mid ahaa  wasiirro iyo wafdigii Turkiga ka socday ee saaka soo gaaray Muqdisho, waxaana salaadda lagula dukaday masjidka madaxtooyada. Allaha u naxariistee wasiir Nuur Faarax ayaa ahaa wadani dhab ah, ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho.  

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles