Muqdisho, 01, April, 2017….Wasriika cusub W. Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle, ayaa saaka xilka kala wareegay wasiirkii hore maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro ka tirsan xukuumadii hore, madax ka socota Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Ugu horaynti Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya maanta u bilaabatay isla xisaabtan, iyo sidii xididada loogu siibi lahaa musuq maasuqa. “In xil lagu wareejiyo si nabad ah waxay astaan u tahay horumarka dalka, anagoo kuligeen makhraati ka ah, waana xafladii ugu horaysay ee xukuumadda cusub ay xil kula wareegto, waxaana u imid maanta inaan idinla qaybsado islamarkaana idin dareensiiyo hadafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu inuu ku salaysan yaahy inaan hogaamino nidaam cusub oo ku taagan isla xisaabtan. Waxaa laydinku aaminay canshuur loo soo dhididay iyo iftiimkii dowladda Soomaaliya. Shaqaalaha Wasaaradda waxaan u sheegayaa in maanta la soo gaaray xiligii isla xisaabtan-ka dhabta ah, amaanada yar oo laydiin dhiibayna inaad u ilaalisaan sida ugu haboon, shaqada laga sugayo wasiirada cusub maahan in ay ilaaliyaan amaanada kaliya, ee waa [...]
↧