Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

$
0
0
Muqdisho, April 1, 2017——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti. Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib. Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo. “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre. “Ma aqbali doono aniga iyo Madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles