Olalahaani nadaafadeed ee uu horkacayay Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa waxaa laga sameeyay Waaxda Bandar Wanaag ee Degmadaasi kaas oo lagu cirib tirayay Geedka loo yaqaano Geed Yahuudka, Howlahaani nadaafaded ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaaye ururka Haweenka Degmada Hiliwaa iyo gaadidika kala duwan ee Shirkada EECO oo ah shirkad ka shaqeeysa Nadaafada Gobalka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir Cabdixakiin Cumar Cabduulle ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ololan Nadaafadeed ay tahay mid iska kaashanayaan dadka deegaanka iyo maamulkiisa, isla markaana uu ku dhiiri gelinano in cidkasta ay u istaagto sidii ay uga qeyb qaadan lahayd ololahan bilic soo celinta degmada. Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa ayaa sidoo kale ugu Baaqay bulshada reer Hiliwaa in ay kaalin ka qaatan horumarinta bilicda Degmada oo ay si wada jir ah ula dagaallamaan waxkasta oo dib u dhac u keeni kara bilicda degmada. Da’daalo xoogan oo lagu hormarinayo bilicda Degmada Hiliwaa ayaa waxa uu maalmihii danbe ka socday Waaxyaha kala duwan ee Degmadaasi, iyadoo maamulka degmada uu sheegay in todobaadki mar la qaban doono olale nadaafadeed oo uu horkacayo Maamulka Degmada.
↧