Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray Masaajid laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe “SAWIRRO”

$
0
0
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimce ah 31 March 2017 xariga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey gudaha Madaxtooyada Garoowe. Masaajidka laga hirgeliyey Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loo bixiyey masjidu Shuhadaa, kadib markii loogu magacdaray dadkii shuhadada ahaa ee ku dhintay iyagoo waajibaad kooda shaqo gudanaya,  ha ahaadeen ciidamada qalabka sida iyo in Alaale iyo intii kale ee u nafweydey ilaalinta shacabka iyo deegaanada Maamulka Puntland. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Punland ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Sheekh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhismaha masaajidka, waxaana uu Alle uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo. Sidoo kale waxa uu Dr Cabdiwelo kula dardaarmay  isla markaana ku booriyey shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe inay masuuliyad gaara iska saaraan ka warhaynta masaajidka iyo sidoo kale dayacrtirkiisa, taas oo ay micnaheedu tahay in la’ilaaliyo nadaafadiisa, qurxintiisa iyo camiridiisa xiliyada salaadaha, waxaana uu sheegay inuu horsed u noqondoono imaatinka masaajidka. “Masaajidka gacan ku hayntiisa, nadaafadiisa, ilaalintiisa iyo ka warqabkiisa intuba Madaxtooyada ayay saaran tahay, ujeeddada loo dhisayna waa iyaga, inta ugu badan oo ku [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles