Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Routeres barlamaanka dalka Jarmalka ayaa maalintii Khamiista meel mariyay qaraar muddo sanad ah loogu kordhinayo tababarayaasha u dhashy dalka Jarmalka ee jooga Soomaaliya. Barlamaanka Jarmalka ayaa sidoo kale ogolaadey in ilaa iyo 20 askari oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dowladda Jarmalka waxaa Horey Soomaaliga uga Joogey ilaa 11 Askari oo tababarayaal ah kuwaasoo qeyb ka ahaa tababarka Ciidamada Soomaaliya oo la dagaalamaya Malleshiyaadka argagixisada Shabaab oo falal gummaad ah ka geysta Soomaaliya. Barlamaanka Jarmalka ayaa Go’aankan lagu kordhinayay Waqtiga tababarayasha ku sababeeyay in xasilooni daro ka dhacda geeska Afrika ay qatar ku tahay Amniga Yurub. Xukuumadda Jarmalka waxa ay sheegtey in tan iyo bilowgii Sanadka 2010-ka oo uu bilowdey howsha tababarka ciidamadda Soomaaliya oo ay garwadeen ka ahaayeen Ururka Midowga Yurub la tababaray 5400 oo askari oo Soomaali
↧