Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Mareykanka oo meel mariyay qorshe lagu ballaarinayo howlgallada ka dhanka ah malleeshiyaadka Shabaab

$
0
0
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay qorshe milateri oo qeexaya in ciidamadda Mareykanka ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab. Qorshahan ayaa milateriga Mareykanka u ogolaanaya in weeraro dheeraad ah oo dhanka cirka ah ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya, Sidoo kalena ay ballaariyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu meel mariyay codsi ku aaddanaa in taageero loo fidiyo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka Alshabaab.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles