Tababaraha naadiga kubbadda cagta Gaadiidka Edward Karanja, ayaa la sheegay in uu iska casilay xilka leylinta ciyaaryahannada Gaadiidka. Ninkan oo u dhashay dalka Kenya ayaa ka mid ah tababarayaasha ajaanibta ah ee u soo shaqo doontay horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya, waxana uu hoggaaminayay kooxda Gaadiidka. Mas’uuliyiinta naadiga Gaadiidka, ayaa xaqiijiyay is-casilaadda macallin Edward Karanja, waxanna arrinta ay timid iyadoo qandaraaskiisa uu ka harsanaa dhowr bilood. Gaadiidka waxaa si ku meel gaar ah u sii hoggaamin doonno tababare ku xigeenka naadiga macallin Cabdiraxmaan Taree. Tababaraha shaqada ka tagay ayaa kooxda Gaadiidka hoggaaminayay labbadii sanno ee la soo dhaafay.
↧