Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo deeq ku wareejisay guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha

$
0
0
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed re NISA ayaa deeq isugu Jirta lacag, Raashin iyo Dawo ku wareejisay gudfiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha. Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal. Cabdullaah Gaafoow Maxamuud oo deeqdaasi ku wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in Lacagtaasi oo gaareysa 10,000 oo doolar qeyb kamid ah lagu iibiyay raashin, isla maantana ay ciidamada NISA ka qeybinayaan mid kamid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka ay abaartu soo barakicisay. “Ciidamada NISA ayaa iska soo uruuriyay Kaalmadaan, waxay u damqadeen walaalahood Soomaaliyeed ee Dhibaateysan, hadda waxaan Guddiga ku wareejineynaa 5,000 oo doolar, 10,0000 oo shilinka Soomaaliga ah, raashin, cunnada nafaqada Caruurta, iyo Daawo” ayuu yiri Gen Gaafoow. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “NISA waxa diyaar idiinla tahay in guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ay ka gacansiiso sugidda Amniga goobaha mucaawinada la gaarsiinayo iyo haddii loo baahdo in meelaha qaar aad qiimeyn ka sameyneysaan”. Guddoomiyaha Guddiga Qaran Ee Gurmadka Abaaraha Sh Nuur Baaruud Gurxan oo la wareegay Kaalmada ayaa Duco iyo mahadnaq u diray Taliska Hay’adda NISA, isagoo ku ammaanay tallaabada Wanaagsan ee ay ku muujiyeen sida ay u garab taaganyihiin dadkooda haddii ay amni tahay iyo haddii Gurmad ay tahay. [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles