Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dhulgariir xoogan oo markale ka dhacay Dalka Talyaaniga.

$
0
0
Dhulgariir hor leh ayaa mar kale ku dhuftay bartamaha dalka talyaaniga, kaas oo xooggiisa laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Rome Dhulgariirkaasi ayaa lagu soo warramayaa in uu dhamaa cabbirkiisa 6.6 magnitude oo ah halbeegga lagu cabiro dhulgariirka . Bishii Aug uun bay ahayd markii dhulgariir xoog leh uu ku dhuftay bartamaha Waddanka Talyaaniga,kaas oo geeystay khasaare ballaaran oo ay ku geeriyoodeen  halkaasi saddex bqoqol oo ruux, Kooxaha gurmadka ayaa ku hawlan bur burka hoostiisa, in ay ka helaan dad nool oo dhismaha uu ku dul habsaday. Gariirka dhulka ayaa si weeyn looga dareemay caasimadda dalkaasi ee Rome iyo  magaalada Venice. Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegaya in wax dhimasho ah aysan jirin, hase yeeshee waxaa badan bay yiraahdeen dhaawacyada uu keenay dhulgariirkaasi.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles