Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Milishiyaadka Shiicada ee Waddanka Ciraaq oo aag dagaal oo cusub ku furan kooxda Daacis.

Milishiyaadka Shiicada ee Waddanka Ciraaq ayaa sheegay in ay ka bilaabeen weerar  Galbeedka magaalada Mousel, iyaga oo furay marin  kale oo looga saarayo  kooxda isku magacawday Daacish, magaalada labaad ee ugu weyn waddanka Ciraaq, ee Mousel . Isbaheeysiga  Milishiyaadka ee loo yaqaan midowga isbaheeysiga Shacabka Ciraaq oo aan door wacan ka qadan dagaalka looga soo horjeedo kooxaha argagixisada ah ayaa maalintii shalay ahayd waxa ay dhigeen wacdaro. Afhayeenka isbaheeysigaasi  Axmed Al Asadi ayaa shir jaraa’id  qabtay, waxaana uu sheegay in todoba saac gudaheed dagaal ay kula jireen kooxda Daacish ay uga qabsadeen ilaa toban xaafadood oo markii hore maamuli jireen kooxdaasi argagixisada ah ee Daacish Marin cusub oo ay daah fureen Milishiyaadkaasi shiicada ah ayaa la rumeeysan yahay in ay tahay halbowlaha kooxdaasi Daacish oo qiimo weeyn ugu fadhiday,dhinaca kale haddii laga eego waxa laga qabsaday meelo istiraatiiji ah oo dhabar jab ku rideeysa kooxdaasi Daacish. Xoogagga Milishiyaadka ee hor kacaya dagaalkaasi ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in ay  jaraan, wadada isku xirta Mousel iyo dalka Syria, si aanay u helin gurmad kooxdaasi Daacish. Howlgalada Militeri  ee ay wadaan Milishiyaadka shiicada ayaa qorshahooda uu yahay in ay hareereeyaan magalaadaasi Mousel, si kooxaha argagixisada ah ayan u helin sahayda militeri [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles