Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 2aad”,,,AKHRISO+Dhageyso

$
0
0
Dhalashadii Dowladda Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dhismihii Golihii Sharcidejinta Soomaaliya. Gobolladii Woqooyi Dalka Soomaaliyeed ee loo yiqiin “British Somaliland” oomadaxbannanidiisa helay 26-ka Juun 1960, wuxuu 1-dii Luuliyo 1960-kii la midoobay Gobolladii Koofurta Soomaaliya oo ku jiray Wasiyadda {dardaaaranka} Qarumaha Midoobay, Midowga labadooda waxaa ku dhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo madaxbannaan. Sida ku cad Sharciga Lam 5 ee 31 Jannayo 1961 oo ah sharciga Soomaaliya oo madaxbannaan ku midowaday, Golihi Qaranka ee ugu horreeyey ee Soomaaliya wuxuu ka koobnaa 123 xildhibaan, oo ah wadrata: Sagaashan (90) Xildhibaan oo ka yimid Golaha Qaranka ee Koofurta Soomaaliya, oo la soo doortay 1959 – iyo soddon iyo saddax (33) xildhibaan ka yimid Golaha Sharcidejinta ex British Somaliland oo ahaa xildhibaanadii la soo doortay1960, sidaana waxaa ku sameysmay Golihii Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana loo yaqiin“Assemblea Nazionale/National Assembly” (ama Golaha Sharcidejinta Qaranka), astaanta lagu gartona ahayd xarfaha A.N. oo guduudan. Golahan Sharcidejinta 1aad ee Jamhuuriyadda ayaa si Ku-meel-gaar ah u ansixiyey Dastuurkii 1960kii una diray in Shacbigu ku ansixiyo Afti Qaran, wuxuuna Golahan isla markaa M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan u doortay in uu noqdo Madaxweynihii 1aad ee Soomaaliyeed ee Madaxbannaan. Natiijada Doorashadii Madaxweynaha Ku-meel-gaar ah ee Soomaaliya – Luulyo 1960kii Waxaa dooranaayey: Golaha Xildhibaannada Qaranka (Assemblea Nazionale [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles