Siminaarkaan oo ay soo qaban qaabiyeen hay’adda Daryeel iyo Ururka Wadaniga ee SOSDA isla markaana ahaa mid lagu baranayay sida loo ilaalin karo caafimaadka bulshada ayaa loo qabtay ilaa 30 qof oo ka mid ah bulshada ku nool degmada Hobyo ee Gobalka Mudug. Ugu horeyna waxaa furitaanka siminaarka ka hadlay injineer Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) waxaana uu sharaxaad ka bixiyay ujeedka siminaarka isagoo sidoo kalana xusay in uu qeyb ka yahay siminaaro dhowr ah oo hay”adda Daryeel iyo ururka SOSDA ay u qabteen bulshada Degmada Hobyo. “Waxaan ku faraxsanahay kasoo qeyb galka aad nagala soo qeyb gasheen kulanka ku saabsan wacyi gelinta Caafimaadka sidaa ogtihiina hay’adaha SOSDA iyo daryeel idinkuma cusba, Hobyana kuma cusba waa ogtihiin gobalkoo dhan ineey ka shaqeeyaan hobyana waxaan horay ugu qabanay, siminaaro wacyi gelin ah oo ku saabsan ka hortaga burcad badeednimada iyo kalluumaysiga barnaamijyadaana waa kuwo aan ugu tala galnay inaan uga faa’ideeyno bulshada, siminaarkaan waa mid aan uga gol leenahay in bulshadu ay ku bartaan sidii ay u ilaalin lahaayeen caafimaadkooda” ayuu yiri Cumar Maxamuud Rooble oo ku hadlayay magaca Hay’adda Daryeel oo fadhigeedu yahay Dalka Swedan Waxaa isna sidoo kale madasha furitaanka siminaarka ka hadlay Maxamed Daahir Aadan oo ka mid [...]
↧