Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha aqalka sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya u matalaya Puntland, kuwaas oo khamiistii lasoo dhaafay ay doorteen baarlamaanka Puntland. Kulanka quraac sharafta ah waxaa goob jog ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo labada guddoomiye ku-xigeen, xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, Wasiirro iyo Agaasimka Madaxtooyada Puntland. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo quraacda kadib hadal dar-daaran ah u jeediyey xubnahaan Puntland u meteli doonaa Aqalka Sare ee dawladda Federaalka, sidookalena looga baahan yahay in muujiyaan feejignaan dheeraad ah. Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland waxa uu sheegay in xubnahaani ay yihiin kuwo uu shacabka reer Puntland kalsooni buuxda ku qabo isla markaana dhammaantood ku suntan horumarka iyo nabadda Puntland, taa beddelkeedana looga baahan yahay in aanay lumin kalsoonida buuxda ee uu shacabkoodu ku qabo. Ugu dambayn kusimaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxa uu ku boorriyey xubnaha aqalka sare u meteli doona Puntland in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan 54-ta xubnood ee uu ka koobnaan doono aqalka sare ee dawladda Federaalku, isagoo xusay in aqalka sare uu ka mid yahay himilooyinkii uu shacabka reer Puntland ku taamayey muddo badan. Xunaha [...]
↧