Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in munaasabadda maanta loogu dabaal degayo ay tahay mid si wada jir ah loo qabtay, isla markaana aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xaflad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in howshan loo dhabar adeegay, isla markaana ay ka qeyb qaateen inta badan bulshada labada gobol. “Anigoo ku hadlaya magaca Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan magaca Dowladda Soomaaliya waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta howshan, iyo mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ee ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagana waan u mahadcelinayaa, waxaan kaloo u mahadcelinayaa odoyaasha dhaqanka oo door muuqda ku lahaa dhismaha maamulka Hirshabeelle” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay socdaalkii uu dhawaan Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo qeyb ka ah sidii uu maamulkiisa u xalin lahaa cidkasta oo tabasho qabto. “Waxaan bogaadinayaa booqashadii uu Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tegay Beledweyne, waa tallaabo fiican oo aan rajeyneyno inay guul ku dhamaato, waxaana u soo jeedinaa Madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle inay xaliyaan cidkasta oo tabasho ka qabto dhismaha Hirshabeelle” ayuu [...]
↧
Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxda Hirshabeelle ku bogaadiyay inay xaliyaan tabashooyinka bulshada
↧