Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Masjidka Arbaca Rukun oo mudo dheer kadib dib loo furay.

$
0
0
Masjidka Arbaca Runkun ee degmada Xamarweyne oo ah masjid Qadiimi ah oo dhisan muddo 771 sanno ayaa manta Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishoiyo Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya Dowladda Turkiga ayaa dib u dayactir ku sameeyay Dhismaha Masjidkan Taariikhiga ah ee Arbaca Runkun waxaana munaasabaddan xariga looga jaraayay Masjidkan kazoo qeybgaleen culuma’udiin, madax kasocoto wasaarada Awqaafta, iyo qeybaha Kala duwan ee Bulshada. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Maxamed Kheyru Adan ayaa u mahadceliyay dadkii kaqeyb qaatay dib u dayactirka Masjika. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya mudane Olgan Beeker ayaa asagane  sheegay taariikhda Masjika arbaca Rukun in ay muujineyso sida umada Soomaaliyeed ay ugu xoogantahay Diinta Islaamka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles