Shirka saddex-geesood ah oo u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR oo looga hadlayo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab iyo kuwa soo laabanaya ayaa lagu qabtay magaallada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland. Guddiyada farsamo ee Soomaaliya iyo Kenya u qaabilsan dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee go’aansada in ay dalkooda ku laabtaan, ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, madaxda UNHCR ee Soomaaliya iyo Kenya iyo masuuliyiin kale oo ka socda wasaaradaha dowladda ayaa ka qeyb galay shirkaan. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shirkaan furay ayaa soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka isaga oo tilmaamay in Kismaayo iyo Jubbaland ay sharaf u tahay marti galinta shirka. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan oo hoggaaminayay wafdiga dowladda Soomaaliya ee shirkaan ka qeyb galaya ayaa sheegay in ujeeddadu ay tahay in la qiimeeyo halka ay marayso dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalbaday in lagu celiyo waddankooda iyo u kuur gelidda xaaladda ay ku sugan yihiin dadkii lagu soo celiyay degaannada Jubbaland oo ka badan toban kun oo qof. Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya Joseph oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Kenya ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay kaalinteeda ku aaddan fulinta [...]
↧