Barlamaanka Puntland ayaa la filaa in ay maanta si rasmi ah u gada galaan doorashada iyo kala saarida xubnaha u taagan kuraasta aqalaka sare ee dowladda Federalka ah uu ku leeyahay maamulkaas. Mudanayaasha u tartamayo xilka kuraasta aqalka sare ee Puntland ayaa shalay khudbado kasoo horjeediyey barlamaanka Puntland waxa uuna musharax walbo soo bandhigay waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto ayadoo uu musharax walbo uu codsaday in xildhibaanada ay codkooda siiyaan. Madaxda Guddiyada ee heer federal iyo maamul Gobaleed ayaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan shirka lagu dooranayo xubnaha aqalka sare ku matali lahaa maamulka Puntland. Aqalka sare ee Baarlamaanka oo ah mid ku cusub siyaasada Soomaaliya ayaa ka kooban 54 xubnood oo ka kala imaan doono Maamul Goboleedyada ,Puntland waxay qayb ahaan u heshay 11 Xubnood.
↧