Ila todobo murasha oo u taagan xilka Gudoomiyaha Baralamaanka dowlad goboleedka HirShabeele ayaa xalay khudbad ka horjediyay Barlanaaka Dowlad goboleedka Hirshabeelle. Abukar Xasan Cali Maqani , Sh Cismaan Barre iyo xildhibaan Isgow ayaa isku soo taagay xilka Gudoomiyaha Barlamaanka Dowlad goboleedka HirShabeele waxaana mid walba oo ka mid ah uu soo Bandhigay waxa u qorsheysan inuu qabto hadii la doro. Murashax kaliya ee u taagan xilka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Hir Shabeelle Xil Cabdi Xuseen Geedi iyo sedex muarashax oo kale oo u taagan Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka oo Ay ku Jirto XIldhibaanad Canab Axmed Ciise ayaa ayaa ka hor aqriyay Barlamaanka waxa ay doonayaan inay qabtaan hadii la doorto khudabado aan kala dhicin ayay soo jeediyeen murashaxiinta waxaana midwalba oo dalbanayay in la doorto marka loo eego qibradiisa iyo aqoontiisa. Shirka Barlamaanka ee dhegeysiga khudbadaha murashaxinta waxaa kale oo Goob joog ka ahaa Murashaaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo madaxweynaha ku xigeenka Dowlad goboleedka HirShabeele, Xildhibaan Jeesoow , gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe, Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka Yaxye Cali Ibraahim iyo Wakiilka IGAD ee Shirka Jamaal Xaaji Axmed . Maanta ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Gudoonka Barlamaanka [...]
↧