Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kenya oo sii deysay Nin British ah oo ay ku eedeysay Argagixisanimo

$
0
0
Dowladda Kenya ayaa xorriyaddiisii dib u siisay  Tom James, oo kasoo jeeda Dalka Britain, markii ay Boliiska la dagaallama Argagixisada ka qabteen guri ku yaalla Xaafadda Gigiri ee Magaalada Nairobi. Mr;James oo 32 jir ah, ayaa Laba Cisho ka hor lala qabtay Laba Dumar Soomaaliyeed ah oo lagu kala magacaabo , Yaasmiin Sheekh iyo Zamzam Xuseen, balse lama shaacin in iyaga la sii daayay iyo in kale. Laamaha ammaanka Dalka Kenya, ayaa Saddexdan Qof ku eedeeyay inay xiriir dhow la leeyihiin Al-Shabaab, lagana helay caddaymo ah inay qorayeen Dhallin yaro ku biirta Al-Shabaab iyo aaladaha ay adeegsadaan Argagixisada. Tom James, ayaa la sheegay inuu Dalka Kenya u joogay uruurinta macluumaad la xiriira shabakadaha Argagixisada Caalamka iyo sida ay isula shaqeeyaan. Dowladda Ingiriiska ayaa Saacadihii lasoo dhaaftay ka codsatay Kenya inay ka warbixiso Muwaaddinkeeda xiran.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles