Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maamulka Degmada Huriwaa oo faahfaahin ka bixiyey qasaaraha ka dhashay qarax miino oo lagu aasay …………

$
0
0
Inta la xaqiijiyey labo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ay saakay ku aasayeen wadada Ex koontarool Balcad sidoo kale waxaa ku dhaawacmay wiil yar oo ka ag dhawaa goobta uu qarax ka dhacay. Gudoomiyaha degmada Hiliwaa mudane Maxamed Axmed Xaashi ayaa sheegay in uu goobta ka baxsaday mid ka mid ah meelashiyaadkii aasayey qaraxa miino halka uu xaqiijiyey in ay goobta ku go’go’een labaddii kale ee la socotay. Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray  in xaalada  degmada ay saakay dagantahay  Ciidamadana ay wadaan baaritaano iyo hawlgalo ay ku xaqiijinayaam Amaanka Degmada .

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles