Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo Kenya u dirtay arday soo baranaysa kontoraalka hawada

$
0
0
Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Isaaq Cismaan (Fanax) oo la hadlay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in maanta magaalada Muqdisho ay ka ambabaxeen dufcaddii labaad ee arday Soomaaliyeed oo loo tababarayo koontaroolka hawada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in ardaydaan oo noqonaya dufcadii labaad marka lagu daro dufcaddii koowaad ay noqonayaan 30-arday, isla markaana dalka Kenya lagu soo barayo qaabkii ay u koontarooli lahaayeen hawada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in ardaydaasi markii ay dalka dib ugu soo laabtaan in wax badan ay kusoo kordhin doonaan dhinaca koontaroolka hawada Soomaaliya.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles