Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirada : Qarxax Gaari lagu Xiray oo ka dhacay Nawaxiga Saldhiga Degmada waaberi

$
0
0
Qarax sababay Burburka Gaari uu lahaa Ganacsade Soomaaliyeed ayaa ka dhacay meel ku dhaw Saldhiga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir sida uu Warbaahinta Qaranka u Xaqiijiyay Taliyaha Qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir . Taliyaha ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa ganacsade lagu magacaabo Xuseen Jaamici oo gaarigiisa lagu soo xiray, balse qaruxu uu dhacay markii gaariga uu ka dagay ganacsadahaasi. Waxaa jira dhaawac fudud oo ganacsadaha soo gaaray, sidoo kalena wiil caseeye ama baalashle ah ayaa isna dhaawac uu kasoo gaaray qaraxaasi. Xaalada halkii uu qaraxa ka dhacay ayaa iminka dagan iyadoo ciidamada amaankana ay ku howlan yihiin dadaaladooda dhinaca sugida amniga.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles