Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shirka Madasha wada tashiga oo goor dhow la soo gabagabeeyay lagana soo saaray War-murtiyeed

$
0
0
Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 02 – 09 Agoosto 2016ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi. Kulankani wuxuu daba socday kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Baydhabo 22-25 June, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka. Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka. 1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya. Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed ayan suuragal ahayn in doorasho la qabto inta ka harsan muddada [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles