Madaxweynaha dalkaTurkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wadahadal kula yeelan doona magaalada Moscow madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin waxaana uu sheegay in uu doonayo in uu dib u soo celiyo xiriirka kala dhexeeya Russia. Waa markii ugu horeysay oo Mr Erdogan uu dalka dibadiisa aado tan iyo markii uu dhacay isku daygii afgambe ee fashilmay bishii la soo dhaafay. Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday markii diyaarad militiri oo Ruushku leeyahay ay soo ay ku rideen xadka Suuriya militirga Turkiga bishii November ee sanadkii tagay. Iyadoo xukuumadda Moscow ay ku jawaabtay cuna qabateyno dhanka dhaqaalaha ah oo ay ku soo rogtay dalka Turkiga waxaana kamid ahaa joojinta dalxiisiyaashii tagi jirey dalka Turkiga. Bishii Juun ayaa aqalka Kremelin-ka oo looga aramiyo dalka Ruushka waxaa uu sheegay in madaxweynaha dalka Turkiga uu raaligelin ka bixiyay dhacdadaas isla markaana tacsi u direy ehelada duuliyeyaashii diyaaradaas. Madaxweyne Erdogan ayaa ka hor inta uusan soo amba bixin waxaa uu sheegay in Mr. Putin uu yahay saaxiib isla markaana uu doonayo in la furo bog cusub oo dhanka xiriirka labada wadan ka dhexeeya. “Booqashadani waxaa ay iiga dhigan tahay calaamad muujinaysa xiriirka labada dhinac oo markale dib u bilaabanay,” ayuu yiri Erdogan oo la hadlay wakaaladda Tass. Labada [...]
↧