Kulan looga hadlayay dhismaha xabsiyada iyo daryeelka maxaabiista ku xiran Xabsiyada Galmudug ayaa Maanta Talaado ah lagu qabtay magaalada galkacyo, kaasi oo ay wada yeesheen saraakiil ka socatay Hay’adda UNDP masuliyiin ka socatay wasaaradaha amniga dowladda Fadaraalka Dowlad Goboleedlka galmudg . Kulanka Ayaan Ujeedkiisu ahaa sidii laysaga kaashan lahaa dhameystirka dhismaha xabsiga weyn Galmdug ee magaalada galkacyo kaas oo wali qabyo ah iyo sidii looga hortagi lahaa xagjirnimada, faldanbiyeedyada iwm. Markii uusoo idlaaday kulanka ayaa waxaa masuuliyiintu ay kormeer ku tageen halka laga bilaabay dhismaha xabsiga iyagoo u kuurgalayay halka uu marayo xabsiga Kormeerka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka la hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka socatay wasaaradaha Amniga Dowladda faderaalka iyo Galmdug. Ugu horeeyna waxaa warbaahinta usharaxay waxyaabihii looga hadlayay kulanka wasiiru dowlaha wasaarada Amniga Galmdug C/laahi Axmed Calasoow waxaana uu sheegay in ay isla garteen xog uruurisi fiican oo ku aadan qaabkii looga hortagi lahaa xagjirnimada oo aduunka kusii baaheeysa gaar ahaana bariga afrika, halkaan aan joogno waa xabsiga waana mid ay dhiseen ganacsato reer Galmdug ah, waana qabyo , hadana waxaan ka codsanaya ineey noo dhameeystiraan dhismaha xabsigaan . Agaasimaha dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Wasaarada Amniga Gudaha dowlada fadaraalka soomaaliya Maalik Cabdalla ayaa faah faahin doorka [...]
↧