Kulan aqooneed aad u balaaran oo lagu baranayay daryeelka Af-Soomaaliga iyo kaalinta ay Hooyada ka qaadan karto horumarinta Afka ayaa maanta lagu qabtey xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee magaalada Muqdisho. Madal aqooneedkaasi oo si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga iyo ururka Haweenka Gobolka Banaadir ayaa furitaankiisii waxaa ka soo qeyb galey Madax ka kala socotey Dawaladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka G/Banaadir iyo Mas’uuliyiin mataleysey urrurada bulshada rayidka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale{ Madaale} ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaabulka iyo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carabka ku dhuftey inuu Maamulkiisa ay ka go’an tahay daryeelka iyo u hiilinta Afka Soomaaliga, isagoo u soo jeediyay haweenka G/Banaadir inay noqdaan bud dhigayaashii afka Soomaaliga isla markaana ay gurmad u galaan sidii loo bad baadin lahaa afkeena hoddonka ah. Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleeddka Af-Soomaaliga ahna Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Madaxa banaan ee Soomaaliya Prof. Maxamd Daahir Afrax oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey xaalada iyo marxalada u haatan ku sugan yahay Afka Soomaaliga, wuxuuna tibaaxey inay jiraan af dilayaal aad u fara badan oo ku soo badanaya af Soomaaliga, isagoo ku nuux nuuxsadey in la iska kaashado sdii looga hortagi lahaa khatar walba oo ku soo [...]
↧