Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dawo Sawirrada: Furitaanka xarunta gabdhaha agoonta Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17

$
0
0
Xaflad lagu maamuusayay furitaanka xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ee sanad dugsiyeedka 2016/17, iyo sanadguuradii Afaraad ee ka soo wareegtay aas aaskii xaruntaasi ayaa maanta lagu qabtay dhismaha cusub ee xaruntaasi ku leedahay magaalada Muqdisho. Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha degmada Boondheere, mas’uuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada, waaliddiin iyo marti sharaf kala duwan. Ubaxa xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ayaa halkaasi ku soo bandhigay Riwaayad iyo heeso ka hadlaya qiimaha waxbarashada iyo waddaniyadda, taasoo ay si weyn ugu riyaaqeen dadkii ka qeybgalay xafladaasi. Maamulaha xarunta agoonta gabdhaha Boondheere Marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xafladan ay tahay furitaanka sanad dugsiyeedka 2016/17 iyo xuska sanadguuradii afaraad ee ka soo wareegtay aas aaskii xaruntaasi. Marwo Nuurto ayaa si kooban uga hadashay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaruntaasi,  laga soo billaabo aas aaskeedi ilaa iyo hadda, waxeyna ku ammaantay waalidiinta iyo maamulka degmada Boondheere wada shaqenta wanaagsan oo ay muujiyeen. Gudoomiyaha degmada Boondheere Qaasin C/llaahi ayaa si weyn ugu ammaanay maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow sida ay ugu dhabar adeeygtay daryeelka iyo waxbaraddi gabdhaha agoonta ah ee ku jira xaruntaasi, isagoo xusay in degmada Boondheere ay noqotay degmada kaliye oo [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles