Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan lagu taageerayo shirka madasha Qaran iyo waqtiga Doorashada oo lagu qabtay Caabudwaaq “SAWIRRO”

$
0
0
Kulan looga doodayay habraaca qorshaha Federaalka iyo taageerada waqtiga loo asteeyay doorashada Madaxtinimada dalkeena in ay ka dhacdo oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka degmada oo ay gacan siinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dawlad goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Waxaa kulankaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug , Xildhibaan,o ka tirsan Galmudug,  Maamulka degmada, Qurbajoog iyo masuuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo kulan u furay ka qayb galayaasha ayaa sheegay inujeedka  kulanka uu yahay mid  la doonayo in lagu fahmo waxa uu yahay faradaalk Waxaana ka qayb galayaashu ay ka doodeen intii uu socday kulanka habraaca qorshaha faderaalka oo  loo arkay waqtigan inuu u yahay xal lagu wax qaybsado. Dhagaweyne C/laahi Warsame oo kamid ah mudanayaasha  Baarlamaanka Galmudug ayaa sharaxaad ka siiyay ka qayb galayaasha faa’iiidada iyo waxtarka ku jira waqtigan. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan ayaa taageeray shirka madasha qaran ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho waxuuna sheegay in Fadaraalku  hada uu yaahay mid la wada qaatay oo dhamaan uu ka hirgalay dalkeena waqtigan C/kariin Axmed Bulxan

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles