Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maxkamad ku taalla Turkiga oo amartay in la soo xiro Fethullah Gülen

$
0
0
Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ayaa  soo saartay amar lagu soo xirayo wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka ee Fethullah Gulen, kaasi oo dolwadda ay ku eedeysay inuu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee dalkaas. Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Gulen oo saaxiib hore la ahaa madaxweyne Erdogan, uu afgambiga la abaabulay saraakiil milatari, waxayna dowladda Mareykanka ugu baaqday in lasoo masaafuriyo. Gulen ayaa beeniyey inuu ku lug lahaa afgambiga ama uu ka warhayey inta uusan dhicin ka hor 15-kii July ee sanadkan. Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay jarto dhammaan xiriirada ganacsi ee kooxdan oo gacmaha dhiig kula jirta. Waxa uu sidoo kale sheegay in lacag kasta oo gasha kooxda Gulen ee FETO ay ka dhigan tahay xabad lagu soo riday qaranka.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles