Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Booliiska Britain oo sheegay in Sakariye Bulxan uu qabo xanuunka Dhimirka

$
0
0
Boliiska magaalada London ayaa gacanta ku dhigay Zakariye Bulxan oo ka soo jeeda Soomaaliya,haystana dhalashada dalka Norwey,kaasoo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka haweeney dalxiise ahayd oo u dhalatay Maraykanka. Wiilkan oo 19 Sana jir ah ayaa la sheegay inuu qabo xanuunnada dhimirka,waxaana dadka uu dhaawacyada u geystay ay u kala dhasheen wadamada Ingiriiska, Maraykanka, Israel iyo Australia. Darlene Horton, oo 64 jir ahayd,una dhalatay dalka Maraykanka, ayaa dalxiis u joogtay dalka Ingiriiska,waxaanay xilliga la weerarayay ku sugnayd beer lagu nasto oo ku dhow faraagaha Russell Square ee magaalada London. Zakarie, ayaa sanaddii 2002-dii tegay dalka Ingiriiska, mana jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in falkaasi uu ku lug leeyahay hawlo argagixiso sida ay sheegen boliiska dalka Ingiriiska.

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles