Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shaqadii Kastamka canshuuraha dekedda Boosaaso oo laga dhigay 24-saac+Sawirro

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland  Axmed Yaasiin Saalax  oo shir Jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee Dekedda Boosaaso ayaa sheegay in  shaqadii kastomka Cashuuraha ee dekedda Boosaaso laga dhigay 24 Saac si loogu fududeeyo ganacsatada inay alaabooyinkooda ay kala degaan  dekedda Boosaaso. Shirkan jaraa’id oo uu wasiirka ku weheliyay Maamule k/xigeenka dekedda Boosaaso Dhagaxtuur ayay sheegeen in shaqo kordhinta kastamka Dekedda ay ka dabmaysay kaddib markii Maraakiib tiro badan iyo doonyo is biirsaday oo ay dib u dhigeen dabaylihii dhacayay xiliga xagaagu ay ku soo wajahayihiin, qaybtooda ay ku xiran yihiin dekeda Boosaaso. Maamule K/xigeenka Dekedda oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay in shaqadii kastamka ay gaarsiiyeen ilaa 10 habeenimo si ay ugu adeegaan  Ganacsatadda, waxaana uu sheegay in maraakiibtii marka hore ku degi jirtay 5 maalmood, hadda ay ku degaan labo maalmood oo qura. “ Shaqadii dekeda Boosaaso waa la bilaabnay, maraakiib ayaa soo wajahan, shaqadii dekeduna waxay u badatay maraakiib, waxaanuna go’aansanay inaanu u shaqayno ilaa 10 fiidnimo, shaqadii xiligii la qaban jiray 24 saac aanu ka dhigno si aan u dedajino shaqadii maraakiibta, anagoo baakinga maraakibitu nagu yar yahay awgeed” ayuu yiri Dhagax tuur Wasiir K/xigeenka maaliyadda maamulka Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo safar [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles