Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Taliyayaasha XDS iyo AMISOM oo ka shiray Howlgal kadhan ah Al-Shabaab

$
0
0
Taliyeyaasha Qeybaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga arinsanayay dib u billaabista howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga harsanyihiin qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa si wadajir ah godoominayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo taliyaha howlgalka AMISOM Sareeya guud Cismaan Nuur Subagle. Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Saraakiil ka kala socotay dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka taagaara Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM tababarka iyo Qalabeynta Ciidamada. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada XDS ay hoggaaminayaan howgalka cusub ee alshabaab looga Xoreynayo Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin la dagaalanka cadawga qaranimada Soomaaliya ee xiriirka la leh Al-qaacida. “shirkaan waa kii ugu horreyay oo taliyeyaasha Qeybaha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay isugu yimaadaan kuna qorsheynayaan istiraatiijiyadda dagaalka cusub ee ka dhanka al-shabaab, kaas oo dhawaan lagu qaadi doono deegaanada ay wali dalka kaga harsanyihiin al-shabaab, ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaana diyaar u ah in ay hoggaamiyaan” ayuu yiri Gen Maxamed Aadan. Gen Maxamed Aadan Axmed ayaa [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles