Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne C/Kariim Xuseen Guuleed?

$
0
0
War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa lagu sheegay  in xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuled ay aad u wanaagsan tahay ka dib qalliin lagu guuleystay oo looga sameeyay dhinaca wadnaha. Wasiirku waxa uu xaqiijiyay in madaxweynuhu uu xalay casho sharaf u sameeyay dhakhtarkiisa Ramakanta Panda oo ka mida 25-ka dhakhtar ee ugu muhimsan dalka India kaasoo horay ugu soo guuleystay qalliimo dhowr ah oo uu ku jiro Ra’isal Wasaaraha iminka talada ka haya wadanka India Narendra Modi & Madaxweyne C/kariin H. Guuled. “Qalliinka waxa uu u dhacay sidii aan u qorsheynay, wax dhib ahna lagalama kulmin ayuu yiri, Dr. Ramakanta Panda oo u mahad celiyay madaxweynaha. Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa howlo caafimaad ugu safray dalkaasi India saddex usbuuc ka hor, waxaana la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ugu soo laabto si uu u sii ambaqaado howlahii maamulka Galmudug. DHAMAAD

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles