Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Jabuuti iyo China oo kala saxiixdaay heshiis khad Tareen

$
0
0
Labada dal Jabuuti iyo China ayaa kala saxiixday heshiis  mashruuc ku saabsan  iskaashiga arrimha  khadka Tareen oo isku xiraya Jabuutii iyo  Ethiopia. Khadkasi Tareen oo dhismihiisa Qandaraas lagu siyay Shirkad China ah, waxa si rasmi ah howshiisa loo guda geli doonaa bishan aynu ku jirno. Dhinaca Jabuuti, waxaa heshiiskaasi u saxiixay  Wasiirka Ganacsiga iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas  Muuse Duwaal oo hadda booqasho ku jooga magalada Pakiin ee casimadda dalka China, halka dhinaca China u isna u saxiixay  Masu’ul sare oo ka tirsan dalkaasi. Wafdiga Jabuuti ee booqanaya China, waxay kaloo kulan la qaateen  R/wasare ku xigeenka China, waxayna ka wada hadleen horumrinta Cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal. Marka uu hirrgalo mashruucaasi dhismaha khadka Tareen ee isku xiraya Jabuuti iyo Ethiopia, waxa u door muhim ah ka qaadan doonaan horumarinta dhaqaalaha ka sokow isku gubinta badeecadaha iyo  socodalka dadka ee Jabuuti iyo Ethiopia. -Mukhtaar-

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles