Wafdigii ka socday Barlamaanka Soomaaliya oo maalmahan booqashada ku joogay dalka Suudaan oo uu horkacayay gudoomiyaha gudiga arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble ayaa maanta kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda tacliinta sare ee suudaan Dr.Atijaani Mustaha Maxamed Saalax. Kulankaas ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhanka wafdiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo xildhibaan, Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibbi, iyadoo dhanka Safaaraddana u joogay uqaybsaha warfaafinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow. Wafdiga ayaa kala hadlay arrimo badan oo dhanka tacliinta sare ah iyo deeqaha waxbarasho ee dowladda Suudaan siiso dowladda Soomaaliya, iyadoo wasaaradda tacliinta tahay mida loo soo marsiiyo deeqahaas dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiqadir Cosoble oo ah madaxa wafdiga ayaa warbixin ka siiyay sida uu hada xaalka yahay iyo heerka waxbarasho ee Soomaaliya gaartay xiliyadii dambe oo horumar weyn la gaaray, isagoo sidoo kale sheegay in horumar badan dowladda soomaaliya ku talaabsata maalmahii ugu dambeeyay. Wasiir Tajaani oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko wafdi heer baarlamaan ah oo Soomaaliya ka socda uuna aad usoo dhawaynayo, wasiirka ayaa intaasna ku daray in ay dowladda Suudaan diyaar u tahay in ay sii kordhiso deeqaha [...]
↧