Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tababbar lagu baranayey u adkaysiga Aafooyinka oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho “SAWIRRO”

Tababbar uu soo qaban qaabiyey La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka u adkaysiga Aafooyinka Eng. Cabdi Maxamed Axmed “Baafo” ayaa lagu soo gabab gabeeyey magaalada Muqdisho, tababarka ayaa waxaa isugu yimid wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda, Macalimiin Jaamacadeed iyo khubaro ka socotay Hay’ada Cunada iyo Beeraha “FOA” Lataliyaha R/wasaaraha Soomaaliya ee arimaha u adkeysiga Aafooyinka Cabdi Maxmed Baafo ayaa sheegay in tababarkaan ku salaysan yahay sidii loo baran lahaa u adkeysiga masiibooyinka dabiiciga ah, islamarkaana wuxuu tilmaay in dhulka miyiiga ah la tagi doono si qiimayn loogu soo sameeyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo daadadka wabiyada. “Afooyinka dabiiciga ah badanaa waxay taabtaan dadka reer miyiga ah iyo beeralayda, waxaana halkaan fadhiya wasaaradihii qaablisanaa arimahaas. Waxaa tababarkaan socday in mudo ah,, waxaana halkaan lagu qaatay aqoon dhaxal gal ah, oo waxa weyn ka tari doonta sdii loogu adkaysan lahaa hadii ay dhacaan masiibooyin dabiici ah. Aqoontaan waxaa dib loogu celinayaa deeganada miyiga iyo beeraha, islamarkaana loo qaybsan lahaa dadka baahiyahooda kala duwan, sidaad ogtihiin markasta waxaa dhaca fatahaadyo iyo abaaro soo noq noqda, hadii aan dadka la barin sidii looga gashaaman lahaa waxaa suurta gal ah [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles