Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Arrimaha gudaha oo kormeeray xarunta hay’adda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka “SAWIRRO”

$
0
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Fedraalka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa maanta kormeer howleed ku tegay xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barkacayaasha Qaranka, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta hay’adda xilli ay socotay diiwaan gelinta dadka ka soo laabtay xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya. Wasiirka ayaa warbixin mid mid uga dhageeystay howlwadeenada xafiisyada waxa uu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah dadka dalka ku soo laabtay ee diiwaan gelinta loo sameeynayay. Kormeerka kaddib ayuu Wasiirka waxaa uu kulan la qaatay maamulka sare ee hay’ada qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, waxaana uu warbixin ka dhageestay guddomiyaha gudigga Axmed Daahir Cabdikariin. “Dhadhaab arrinteeda waad la socotaa mudane Wasiir arinteedii way adagtahay dadkaasi dhawaan in ay soo noqdaan sabab kasta haku soo noqdaane ayay u badan tahay, waxaan kaa codsaneynaa xilli kala guur ah ayaa lagalaa in arrinta qaxootiga iyo barakacaaysha ay muhiimada koowaad kuu ahaato mar walba “ayuu yiri Axmed Daahir . Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen oo gunaanadkii kulanka ka hadlay ayaa la dar daarmay madaxda hay’adda. “Waxaan ku bogaadinayaa aan u shegayaa guddoomiyaha iyo ku-xigeenadaba in shaqaalaha la tababbaro, lagu tababbaro macaamilka dadka idiin imaanaya la ogaado maalintaas [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles