Aqoon isweedaarsi ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Ifraax Foundation oo kaashanaysa wasaaradda haweenka Soomaaliya iyo hay’adda Orchid Project ayaa waxaa ka qeybgalay, wasiirka diinta iyo awqaafta Soomalaiya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, xeer ilalaiyaha guud ee qaranka, wasiir kuxigeenka warfafinta mudane C/laahi Colaad Rooble, wasiir kuxigenka haweenka Muumino Sheekh Cumar’qeybaha kala duwan ee bulshada rayid iyo xubno ka socday Maamul goboleedyada. Ka qeybgalayaasha ayaa ka dooday caqabadaha gudniinkan fircowniga ah iyaga oo ka eegaya dhinacyada Shareecadda Islaamka iyo xuquuq Aadanaha heer Qaran iyo heer Caalami si loo fahmo dhibaatooyinka uu leeyahaya gudniinka fircowniga ah. Ifraax Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha hay’adda Ifraax Foundation oo soo qaban qaabisay barnaamijkani ayaa ka hadashay ahmiyadda barnaamijkaan uu u leeyahay Haweenka ayaa tiri “Gudniinka fircooniga ah, waxa uu dhibaato caafimaad xumo uu ku yahay Haweenka oo la dhibtooda xanuunka gudniinka marka ay dhalayaan” ayuuy Wasiir kuxigeenka warfafinta mudane C/laahi Colaad Rooble iyo wasiir kuxigenka haweenka Muumino Sheekh Cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa dhankoodi ka hadlay arimaha laxiriira gudniinka fircowniga ah ayagoo muujiyay ahmiyadda ay leedahay in bulshadu ay fahamto dhibaatooyinka gudniinka fircowniga ah uu leeyahay. Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dib [...]
↧