Dowladda Kenya waxaa ay xoojinaysaa xiriirka dhanka difaaca ee kala dhexeeya wadanka China si dowladda China ay Kenya ugu caawiso dagaalka ay kula jirto argagaxisada iyo burcadda badeedka, sidaa waxaa sheegay saraakiil Kenya ka tirsan. Xoghayaha difaaca ee dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa sheetay iskaashiga ka dhexeeya Kenya iyo China uu kor u qaaday ammaanka iyo nabaddageliyadda wadamada ku yaala bariga iyo geeska Afrika. “Dowladaha China iyo Kenya waxaa ay sii wadi doona iskaashiga dhanka difaaca ah si labada dowladood ay awood ugu yeeshaan doorkooda ku aadan wax ka qabadashada argagaxisada caalamka,” ayay tiri Omamo oo ka qeybgalaysay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 89 aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka xoreynta dadka Shiinaha oo lagu qabtay safaaradda Shiinaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xoghayaha difaaca ee dalka Kenya haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo ayaa sidoo kale sheegtay, in mudnaanta koowaad ee Kenya ay tahay in iskaashiga dhanka difaaca ah ee dalka Shiinaha ay la leeyihiin la xoojiyo isla markaana lala yimaado istiraatiijiyad kor u qaadaysa nabadda iyo deganaanshaha gobolka. Kenya ayaa iskaashiga dhanka militiriga ah oo ay la leedahay dalka Shiinaha waxaa ay kamid ah is dhaafsiga xogaha iyo laamaha mukhaabaraadka si looga hortago kooxaha argagaxisada [...]
↧