Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya”Sawirro”

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo uu Wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirisaaq Cali Yuusuf “Bahlawi”ayaa Magalada Nairobi Kulan kula Qaatay Michele Cervone d’Urso oo ah Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaliya,

Waxana kulanka looga hadlayay Ariimo dhowr ah oo ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka iyo Dowra Warfaafinta ee Wacyi gelinta iyo horumarka Dalka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intii uu socday Kulanka waxa uu Saafiirka midowga Yurub uga warbixiyay Howlaha Horyaala Wasaarada iyo waxyaabihii u qabsoomay dhowrkii bilood ee La soo dhaafay.

Markii uu kalanka soo gaba gaboobay ayaa wasiirka iyo Safiirka oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay ayaa waxa uu ugu horeyn safiirka midowha yurub ee Soomaaliya waxa uu ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.

“Waxan ka wada hadalnay Arrimo dhowr ah o ay ka mid yihiin  waxyabaha horyaala wasaarada warfaafinta sanadkan 2016 iyo xaalada guud ee Soomaaliya, Arrimaha Doorashooyinka iyo dowrka warbaafinta ay ku ledahay Wacyi gelinta bulshada iyo Sidoo kale Hirgelinta Sharciga Saxaafada Soomaliya.”Ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna ka warbixiyay waxyabihii ay kala hadleen safiirka ayaa waxa uu sheegay inay ka codsadeen Midowga Yurub in ay Xoojiyaan Taageerada ay Siiyaan Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Kulanka uu la qaatay Wakiilka midowga yurub ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulamo ay Magalada Nairobi Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta Wasaarada kula yelanayaan Wakiilada Dowladaha iyo Hay’addaha Taageera Dowlada Soomaaliya.

IMG_3948 IMG_3951 IMG_3957 IMG_3962 IMG_3965 IMG_3967 IMG_3969 IMG_3978 IMG_3990 IMG_3994 IMG_4010 IMG_4014 IMG_4020 IMG_4032 IMG_4033 IMG_4034 IMG_4035

 

Sawir Qade:-Abdulkadir Ali Hussein Koronto


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles