Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Kuxigeenka Q.M

$
0
0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa soo gaaray  Ku xigeenka  dhinaca Siyaasadda Xoghayaha Guud ee QM,iyadoo uu kulan la qaatay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay mas’uulkaasi ayaa ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka iyadoo madaxweynaha uu sharaxaad ka siiyay horumarka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay  Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay Arrimo badan oo quseya Marxaladda Soomaaliya iyo sidii Qaramada Midoobay ay u sii wadi laheyd Taageerada  Soomaaliya ay siiso.

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaga mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la kulmay Ku xigeenka  dhinaca Siyaasadda Xoghayaha Guud ee QM, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriirta siyaasadda dalka taasi oo uu bogaadiyay sarkaalkaasi ka socday Umadaha Midoobay.

Dhanka kale Kuxigeenka Ban ki-moon ayaa Xarunta Xalane kulan kula leh Saraakiil ka tirsan QM iyo AMISOM,iyadoo ay Warbaahintu banaanka ka joogto.

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles